Post View....

Goormuu bilowday xiriirka Somaliya iyo Masar?

0
58

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar waa mid soo jireen ah oo soo bilowday kumanaan sano ka hor xilliga dhulka Soomaalida loo yaqiinay Puntland.

Sida buugaagta Taariikhda ku qoran Soomaaliya iyo Masar ayaa xiriirkooda jiray Afar kun oo sano ka hor, gaar ahaan xiligaa Soomaaliya uu ka talaniyay boqorkii Baraxow.

Tusaale ahaan Masaarida ayaa xiriir dhinacyo kala duwan ah kala dhaxeeyay Soomaalida xiligii dhulka Soomaaliyeed ay ka jireen maamulada beelaha ee Saldanadaha ku salaysnaa oo ay ka mid ahaayeen Saldandii Adal, Saldanadii Ajuuraan, Saldanadii Galadi, Saldanadii Warsangali, Saldanadii, Biyomaal, Saldanadii Majeerteen, Saldanadii Gasaar-gude iyo kuwa kale.

Sidoo kale, xiriirka Soomaaliya iyo Masar waxa uu ahaa mid soo jiray ka hor Gumeysiga Reer Galbeedka inta aysan imaan dhul weynaha Soomaaliyeed waxayna dowladda Masar kaalin mugleh ka qaadatay xoreynta dhulka Soomaaliyeed, ayado ku waysay wakiilkeeda Kamaaladiin oo u dhintay Qadiyad Soomaaliyeed.

Tan iyo waagaas xiriirka Soomaaliya waa sii xoogaysay ayagoo kaalin weyn ka cayaaray Masaarida dib u dhiska Soomaaliya dhinacyada Ciidanka iyo Waxbarashada iyo Mashaariicyo kala duwan, kuwaasoo ilaa iyo iminka taagan.

Dowladda Masar waxay sanad walba Soomaaliya ugu deeqdaa 200 oo deeq waxbarasho ah iyo waliba deeqo kale oo waxbarasho oo dowladad Masar ay u mariso dhinacyo kale sida Ururka Majmaca Soomaaliyeed iyo iskuulo Masaari maal galiso oo ku yaala Gudaha Somalia.

Sidoo kale, sanad waliba waxaa dalka Masar soo gaaray boqolaal qof oo Soomaali ah oo isugu jira ciidan iyo rayid oo ku qaata tababaro iyo aqoon kala duwan oo Masaarida ay u bixiyaan in dadka Soomaalida ay yihiin walaalo wada dhashay oo kale.

Dowladdii Kacaanka ee Siyaad Bare oo la dhihi karo waxay ahayd Dowladii ugu dambaysay oo lahayd Kaadiriin fahmi kara waxa lagu Saleeyo Xiriirka Dowladaha ayaa si weyn u garab istaagtay Dowladda Masar xiliyadii xumaa oo ay soo martay sida Xiligi Carabta go’doomisay Masar ka dib heshiishkii Camp david ay la gashay Isreal, iyo xiligii Masaarida ay la dagaalamaysay Yahuuda oo duulaan ku hayd dhulka Soomaalida 1973.

Ugu dambayn dalka Masar waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah oo isugu jira Arday, Qaxooti iyo Qurbo joog ku leh Guryo iyo Gancsi dalka Masar, waxaana degan qoysaska badan ee Madaxda Soomaaliyeed ayagoo si weyn loogu maamuuso Masar.

Nasiib daro waxaa ina soo gaaraya warar sheegaya arimo xumeyn kara xiriirka Soomaaliya iyo Masar tasoo la dhihi karo waa mid aan aan u adeegaynin Maslaxadda Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed si guud islamarkaasina dhaawacaya xiriirka Taariikhiga ah iyo Midka walaalnimo ee nagala dhaxeeya Dalka Masar.

Xiriirada Dowladaha laguma Saleeyo Maslaxo markaas taagan kaliya, waxaa lagu Saleeyaa Taariikh iyo Danaha Qaranka!!

Hussein Sahnuni.

 

About Author