Post View....

Ciidamada Dowladda oo howlgalo kawada wadada isku xirta Janaale iyo Buufow &Dagaal ka dhacay

0
73

Ciidamada Militariga DFS ee ku sugan Deegaanka Janaale ayaa wada howlgalo qorsheysay, waxaana wadada isku xirta deegaankaas iyo buufow ay ka wadaan miino baaris sida ay ku warrameed ilo wareedyo.

Kolonyo ay wateen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gelinkii dambe ee shalay miino loo dhigay inta u dhaxeysa Janaale iyo Buufow, inkasta oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo qaraxaas sheegtay waxa ay sheegeen in gaari nuuca xamuulka u qaada Ciidamada ay la eegteen Miino, ugu yaraan 7-askari ay ku dileen waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro war kasoo baxay taliska Militariga Soomaaliya ee dhawaan qabtay Deegaanka Janaale oo ay kaga hadlayaan Qaraxa, howlgalka socda iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay dileen askar katirsan Ciidamada Dowladda.

Dhinaca kale Al-Shabaab waxa ay sheegteen in tiro hoobiyaal ah ah ay ku tuureen saldhig ay leeyihiin Ciidamada huwanta ah ee ku sugan Janaale, waxaana ay sheegeen in ay gubeen keydka hubka, teendhooyin iyo goobo kale, mana ka hadlay warkaas dhinaca Dowladda.

Janaale waxaa dhawaan la wareegay Ciidamada Dowladda, kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen waqti dheer, waxaana taliyaha ciidamada dhulka xoogga dalka uu sheegay in ay kusii soconayaan degmooyinka kale ee gacanta askarta ka maqan.

 

About Author