Post View....

Casharrada coronavirus ee laga baran karo madaxweyne hoggaamisay dagaalkii Ebola

0
57

Ellen Johnson Sirleaf, oo taariikhda ku gashay inay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Afrika madaxwenenimo looga doortay, waxay dalka Liberia hoggaamineysay muddo 12 sano ah, waxaana ka mid ah sannadihii 2014-2016 ee uu jiray cudurka Ebola, oo dalkeeda ku dilay ku dhawaad 5,000 oo ruux.

BBC-da ayaa haweeneydan ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka weydiisay sida ay u aragto xasaradaha cudurka hadda jira ee coronavirus.

19-kii bishii October ee sanadkii 2014-kii, xilli uu heer sare gaarsiisanaa cudurka dilaaga ah ee Ebola oo ka dillaacay Galbeedka Afrika, markaasoo 2,000 oo muwaadiniinta dalkeyga ahna ay horayba ugu sii dhinteen, caabuqana uu sii faafayay, waxaan qoray warqad ku socotay caalamka, taasoo aan uga codsanayay in la isku diyaariyo ka hortagidda dhibaatada kasoo wajahan cudurkaas.

Waxaan dalbay in la muujiyo midnimo dunida oo dhan ah si loola dagaallamo wax aan ka baqeynay inuu noqdo cudur safmar ah oo caalamka oo dhan ku baaha.

Maanta, waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan codkeyga ku diro farriin dhimrin ah.

Ku dhawaad 6 sano ka hor, waxaan sharraxay sida dhaqaalaha dagaallada burburiyeen ee Liberia iyo adeegga caafimaadka ee liitay ay waddanka uga dhigeen mid u nugul faafitaanka cudurka iyo waliba sida ay dunida uga falcelisay xasaradaha xanuunkaas ee ku koobnaa Galbeedka Afrika.

Waxaan ku boorriyay caalamka in haddii la xakameyn waayo cudur la kala qaadi karo, meel kasta oo uu dunida ka dillaacaba, hadduu doono maxalli ha ahaadee, uu halis weyn ku yahay bani’aadannimada.

Markaas adduunku wuxuu farriinteyda uga jawaabay si wanaagsan, oo aad loo arkayay.

President Barack Obama speaks during a meeting with Liberian President Ellen Johnson Sirleaf, Guinean President Alpha Condé(R), and Sierra Leonean President Ernest Bai Koroma(L) in the Cabinet Room of the White House April 15, 2015Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweyne Sirleaf, waxay markan ku sugneyd Aqalka Cad, 2015, waxayna la dagaallanka Ebola kala shaqeyneysay madaxda dalalka dariska la ah ee Sierra Leone (bidix) iyo Guinea (midig) iyo sidoo kale madaxweynaha Mareykanka

Baaqeyga waxaa markiiba looga jawaabay diyaar garow weyn oo ay si wadajir ah u horkacayeen Qaramada Midoobay, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mareykanka. Si wadajir ah ayaan uga adkaannay. Natiijaduna waxay noqotay in maanta la heli karo tallaal si toos ah loogu daweynayo cudurkaas, mahaddaasna waxaa leh seynisyahannada caalamka ee sida wadajirka ah u shaqeeyay.

Hadda oo uu fidayo coronavirus, waxaan farriin taas la mid ah u dirayaa muwaadiniinta ilamidka ah ee caalamka. Waxaan sidan u sameynayaa inaan ka dhigo wacyigalin, maadaama dalalka qaaradda Afrika, oo hadda xasaraddiisa aysan wali ku baahin ay halis ugu jiraan inuu waqti yar kaddib saameeynta ugu ba’an ku yeesho, iyadoo qaaradduna ay tahay tan ugu tabarta yar marka ay timaaddo in lala dagaallamo cudur noocaas ah.

Waa inaan tallaabo u qaadno sidii aan u yareyn lahayn, una jabin lahayn silsiladda faafitaanka cudurkan.

Ebola safety posterLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCashirradii ay Liberia ka baratay saameynta cudurka Ebola waxaa lagu wajihi karaa coronavirus

Way iska caddahay in markii hore la iska indha tiray wajihitaanka cudurkaas, laga soo billaabo qaaradaha Aasiya, Yurub ilaa Amerika.

Waqti badan ayaa lumay. Xogtii ayaa la qariyay, waa la iska sahashaday, daacadnimo ma jirin. Kalsoonidiina way burburtay.

‘Aniga qudheyda isla khaladkaas ayaan sameeyay’

Cabsi darteed ayey la carareen dadka, qaar way dhuunteen si ay naftooda u ilaaliyaan. Xalka kaliyana wuxuu ku jiray in bulshada oo isku duuban lala dagaallamo cudurka.

Waan ogahay. Sanadkii 2014-kii aniga waxaan sameeyay dhammaan khaladaadkaas, isla sidaas ayuuna caalamka oo dhan sameeyay. Laakiin dib ayaan iska saxnay, wax walbana waan isku kaashannay.

Hadda waxaan ku sugan nahay xaalad adag, adduunka oo dhanna xuduudaha ayaa la wada xirayaa si loo yareeyo fiditaanka coronavirus.

Markaan yeynaan tallaabo khaldan sameynin. Taas micnaheedu ma aha in waddan walba uu kaligiis wax qabsado. Waa taas cagsigeeda, waa in la is garabsado.

Waxyaabaha lagu farxo ee aan maanta ka daawado gurigeyga ku yaalla magaalada Monrovia waxaa ka mid ah in dunida ay si isku mid ah u wadaageyso khubarada caafimaadka, seyniysyahannada, qalabka iyo shaqaalaha caafimaadka.

‘Waxaan noqonay dad adkeysi leh’

Garowshahan wuxuu ahaa kii horseeday inaan mar qura usoo wada jeedsanno xakameynta cudurkii saameeyay Galbeedka Afrika.

Dalkeenna Liberia, waxaan noqonnay dad adkeysi u leh wajihitaanka cudurka Ebola, awooddeennuna way xoogeysatay bulsho ahaan.

Isla sidaas oo kale ayaan maantana uga adkaan karnaa Covid-19

About Author