Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay Hoggaanka Ahlu suna oo uu ugu horeeyo Sheikh Maxamed Shaakir,iyagoona kala hadlay arrimaha doorashada Galmudug iyo in laga shaqeeyo xasiloonida magaalada inta lagu guda jiro arrimaha doorashada Galmudug.
Ilo wareedyo ku dhow Hoggaanka Ahlu suna ayaa inoo sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay Sheikh Maxamed Shaakir ku qasbeen inuu joojiyo fowdad,islamarkaana u hoggaansamo dhismaha maamul Galmudug oo loo dhan yahay,waxaana sidoo kale Sheikh Maxamed Shaakir laga dalbaday inuu la shaqeeyo Dowladda Federaalka.
Lama oga go’aanka kaga aadan arrintaan uu qaatay Sheikh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu suna,islamarkaan dhawaan shaaciyay in loo doortay madaxweynaha Galmudug.
Ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq aan looga baran iyo iney faragelin ku sameeyaan arrimaha doorashada,waxaana la arkayay ciidamo Itoobiya ah oo gaar wareegaya xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa iney xoog u adeegsato dadka ka horjeeda hanaanka dhismaha Galmudug,waxaana suura gal ah in la soo xiro saraakiil caan ah.