Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula yeeshay Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay in Fahad Yaasiin & Axmed Madoobe si weyn kaga doodeen xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka hareeyay Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka,kaas oo salka ku haayo arrimaha dastuurka.
Sida xogta aan ku helnay, Fahad Yaasiin ayaa u bandhigay Axmed Madoobe inuu aqbalo heshiis rasmi ah oo laga gaaro Khilaafka mudadad soo jiidamayay,islamarkaana tanaasul uu sameeyo arrimaha qaar ee ay isku hayaan Dowladda Federaalka si loo gaaro midnimo iyo wadajirka Soomaaliya.
Kulankan oo ay qaban qaabisay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ujeedka laga leeyahay lagu sheegay inuu yahay sidii mudada yar ee Dowladda u harsan ay hesho maamul goboleedyo kala shaqeeya rabitaankeeda 2020-ka oo ah in doorasho loo dhan yahay dalka ay ka dhacdo.
Khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeyso,waxaana arrintaas sii fogeyneysaa adeegyadii muhiimka ah ee dadweynaha.