Post View....

XOG: Wasiir Janan oo si deg deg ah loo dhigay Cisbitaal ku yaalo Nairobi & waxa ku soo kordhay

0
83

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Janan oo shalay diyaarad Militari looga qaaday magaalada Kismaayo ayaa la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada ugu weyn magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Wasiirka oo mudo sanad ku dhow u xirnaa Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa lada dareemayay xaalad caafimaad daro,waxaana hadda la marsiinayaa baaritaanka caafimaadka oo dhaqaatiirka Kenya ay ku howlan yihiin.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa amar ku bixiyay in isla shalay oo uu gaaray magaalada Kismaayo loo soo qaado Kenya si xanuuno haya looga baaro Wasiirka.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland oo labo maalin ka hor ka baxsaday mid ka mid ah Xabsiyada Hay’adda Nabad sugida ee magaalada Muqdisho ayaa shalay ka degay Dekadda magaalada Kismaayo halkaas oo uu ku gaaray doon siday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa talaadadii shaacisay inuu Wasiirka ka baxsaday xabsiga,islamarkaana ciidanka Booliska ay ku raad joogaan.

Banaanbaxyo lagu soo dhoweynayo baxsashada Wasiirka ayaa ka dhacay degmada luuq ee gobolka Gedo,halkaas oo dad badan ay isugu soo baxeen.

About Author