Post View....

Wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Deni oo sabab la yaab leh loogu xiray Garowe

0
68

Ciidanka Booliska ayaa caawa Garowe ku Xiray Wariye Omar Mohamed Soomane oo dhawaan ku biiray shaqaalaha Madaxtoyada Puntland.

Cumar Maxamed Soome ayaa ahaa Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Booliska ayaa ku sheegay xarigiisa in uu ku eedaysan yahay baahinta warar been Abuur ah oo ku aadan Waxbarashada Puntland.

Wariye Cumar Maxamed Sooame ayaa maalmo ka hor loo magacaabay wariyaha gaarka ah ee madaxweyne Deni,wuxuuna ka soo shaqeeyay warbaahino kala duwan oo dalka ka shaqeeya.