Post View....

Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Dhuusamareeb iyo cabsi xoogan oo haatan taagan iyo jawiga magaalada…

0
62

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa caawa ka jira mashquul xoogan oo siyaasiyiinta garabka dowladda iyo kuwa dhexdhexaadkaba ugu diyaar-garoobayan Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Axada berrito ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibanada Baarlamaanka Galmudug ay doortaan Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenkaba, oo dhawr xubnood ay u kala taagan yihiin.

Kulamo aan caadi ahayn ayaa ka soconaya hotelada magaalada ku yaala iyo guryaha ay degan yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Galmudug iyo musharaxiinta.

Xubnaha u ololeyanaya musharaxa ay dowladda taageereyso ayaa isha ku haya kulamada ay Xildhibaanadan la qaadanayan musharaxiinta dhexdhexaadka ah dhinacyada ku loolamaya maamul u samaynta Galmudug.

Dad badan ayaa waxay sii saadaalinayan in Xildhibaanadan ay Madaxweynaha Galmudug u dooran doonaan musharax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), oo loola xiriiriyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Midowga musharaxiinta ayaa waxaa lagu wadaa inaanay ka qaybgelin doorashada ay garwadeenka ka tahay Dowladda Federaalka, ka dib markii aan waxba laga qaban talooyinkii ay ka soo saareen khilaafka wiiqay doorashada.

Midowga musharaxiinta oo afar xubnood gaaraya ayaa horey u soo jeediyay arrimo ay ka mid yihiin in la mideeyo Guddigii Doorashada Madaxtooyada ee kala qaybsamay iyo in dib loo dhigo doorashada, si ay fursad ugu hellaan inay la kulmaan Xildhibaanada.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxay caawa hawlgalo amni xaqiijin ah ka wadaan wadooyinka magaalada iyo kuwa kale ee xaafadaha dhex mara. Ciidamada ayaana baaritaano adag ku marsiinaya gaadiidka iyo dadka socotada.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa adkeeyay ammaanka Xarunta Shirkoole, oo ay Axada ka qabsoomi doonto Doorashada Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

Si kastaba ha-ahaatee Ciidamada Dowladda ayaa berrito la fillaya inay hakad geliyan isu socodka gaadiidka, iyagoona xadidi doona dhaqdhaqaaqa dadka ee Xarunta Shirkoole.

About Author