Post View....

Sawirro:Shakiga Laga Qaaday Wasiirka Shidaalka Dalka Oo Safar Ku gaaray Sudan

0
65

Waxaa gaaray caasimada dalka sudan ee Magaalada khartoum Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka soomaaliya Eng Abdirashid Ahmed Mohamed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo wasiirka.

Waxaana wasiirka ku soo dhaweyay garoonka diyaaradaha ee magalada Khartoum Dhigiisa Wasiirka Batroolka ee Dalka sudan Cadil Cali Ibrahim iyo Danjiraha safaarada Soomaaliya dalka sudan Amb. Maxamed Sheikh iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Yusuf Jeego .

Wasiirka ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona dalka sudan Mudo laba cisho ah isagoo kulamo kale duwan layeelan doona dowlada sudan.

    

About Author