Post View....

Musharaxiin ka tanaasulay doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug & Tiirada musharaxinta

0
72

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dowlad Goboleedka galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo  Saadaq Cabdullaahi Xaashi  oo labadaba maanta qeyb ka aha musharixiintii ku tartamayay xilka madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen inay ka tanaasuleen u tartami xilkaas.

Wareega 1aad ee doorashada Madaxweyne kuxigeenka galmudug ayaa Maxamed Xaashi Carabeey waxaa uu helay 2 Cod halka Saadaq Cabdullaahi Xaashi uu helay 7 Cod,hayeeshee waxaa ay sheegeen inay u tanaasuleen musharixiinta kale.

Haatan waxaa la guda galey u codeynta labada musharax ee isugu soo harey doorashada Madaxweyne kuxigeenka galmudug,kuwaas oo kala ah Cali Daahir Ciid iyo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

 

About Author