Post View....

Maxay tahay caqabadda ka taagan helitaanka Passporka? {Akhriiso}

0
84

Waxaa taagan caqabad wayn oo ku aadan in shacabka Somaliyed ay helaan Passportka, iyadoo Hay,adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya ay sheegtay hawlo farsamo inay sabab u tahay hakadka Passport.

Shabakada Badweyn ayaa baaris rasmi ah ku sameysay sababta keentay inuu hakad galo bixinta Passport Somalig, waxaana soo ogaanay hakinta inaysan aheyn arrimo farsamo & ballaarin.

Waxaa jira Khilaaf ka dhex taagan Hay,adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya iyo Shirkadda Daabacda Passport oo xarunteeda ay tahay Isu taga Imaaraadka Carabta.

Khilaafkaan ayaa la isku dayay in la xaliyo todobaadkii la soo dhaafay, balse Xubnaha masuuliyiinta Shirkadda ayaa diiday wada hadal, taasi oo keentay in muddo dheeri ah lagu daro waqtigii Bulshada loo qabtay inay ku helayaan Passport.

Saraakiil ka tirsan Hay,adda Socdaalka ayaa lagu wadaa inay u ambabaxaan dalka Imaaraadka si masuuliyiinta Shirkadda Passport daabaceysa ay ula soo xaajoodaan, islamarkaana sida qorshaha uu yahay Maalinta Khamiista dib loo bilaabay hawlaha shaqada Passport.

Shacabka Somaliyed ayaa dhibaato xoog leh ku qaba helitaank Passport Somaliga oo dadka qaar xanuuno dhanka caafimaadka dibadda u aadi lahaayeen, halka qaar kale waxbarasho & shaqo u bixi lahaayeen.

 

About Author