Post View....

Madaxweynaha Galmudug. oo uu ku guulaystay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

0
87

Xildhibaanada Baarlamanka labaad ee Galmudug ee soo xaadiray hoolka doorashada oo tiradooda ay gaareysay 77 Xildhibaan, ayaa Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Musharixiinta Afarta ahaa ee ku tartamay doorashada ayaa waxaa ay codadka u kala heleen sidan.

1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) 66 Cod

2 : Axmed Cabdullaahi Samater. 9 Cod

3: Cabdiraxman Aadan Sabriye 1 Cod

4: Axmed Shire Maxamed (falagle) 1 Cod

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka Madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

About Author