Post View....

Isku socodka Gaadiidka Ex-control oo sabab la yaab leh u xiran & qeylo dhaan ka timid

0
52

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaa xiran isku socodka Gaadiidka isticmaala isgoyska Ex Control Afgooye oo muhiim u ah Gaadiiska isaga kala goosha Gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Gaadiidleyda waxa ay ku doodayaan in ay bixiyeen canshuurta looga qaado Isgoyska Ex Control Afgooye, isla markaana loo diiday in ay sii wataan safarkooda, maadaama badeeco kala duwan ay wataan.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Gawaarida Xamuulka ah ay u raran yihiin qaybo kamid ah Deegaanada Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

“Gaadiidka dhammaan waxaa laga qaaday lacagta Canshuurta si ay uga gudbaan Isgoyska Ex Control oo ah halka Gawaarida isaga kala gooshta Gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, balse wali looma fasixin in ay safarkooda ay sii wataan, iyaga oo taa ka careysan waxa ay Gawaaridooda ku jareen Waddooyinka Gala Isgoyska Ex Control Afgooye” sidaasi waxaa sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.

Ma jiro war kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee qaabilsan Ex Control iyo Maamulka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

About Author