Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabaraan ee loo yaqaano PSF-ta ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaannada Buuraleyda ah ee Gobolka Sool.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkooda uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey,isla markaana ay ka fuliyeen buuraleyda degaanada Ceelaayo iyo Warbad ee Buuraha Cal Madow ee Gobolka Sool.
“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay ka sameeyeen hawlgal amniga lagu xoojinayo buuraleyda degaanada Ceelaayo iyo Warbad ee Buuraha Cal Madow, si shacabka degaanadaasi u helaan jawi nabdoon oo ay ku noolaadaan ayaa lagu yiri”War kasoo baxey Taliska Ciidamada PSF-ta Puntland.
Saraakiisha holwgalka hoggaamineysa ma sheegin wax hub ama dad ah oo ay howlgalkaas kusoo qabteen,hayeeshee ay sheegeen in uu ahaa mid lagu baadi goobayey Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab & Kooxda Daacish.