Post View....

Faah Faahin ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay deegaanka Qalimow

0
95

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay weeraray saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Qalimow oo u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa qaatay muddo saacado ah, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka waxay ku daabaceen inay cagta mariyeen Saldhigga Ciidamada dowladda, ayna la wareegeen, kuna dileen illaa 13 askari.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen, kana dileen 7 dagaalyahan, halka 5 kale ka dhaawaceen, balse aan dhankooda wax khasaare soo gaarin.

Xaalada deegaanka Qalimow ayaa haatan ah mid degan, iyadoo la sheegayo in weli ciidanka dowladda ay ku sugan yihiin, ayna ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ka geystay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, halkaasoo fariisimo ku leeyihiin Ciidamada dowladda, sidoo kale waxaa ay weerareen kolonyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

About Author