Post View....

Dhageyso:Dalal ay Somalia ku jirto oo gaarey Heshiis Cusub

0
88

Shir looga hadlayo horumarka iyo isdhexgalka dalalka geeska Afrika ayaa dalka Jabuuti uga furmay wasiirada maaliyadda dalalkaasi,waxaana shirkaasi Soomaaliya uga qeyb-galaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle .
Shirka oo uu shir guddoominayo Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii sare loogu qaadi lahaa horumarka isdhexgalka dalalka geeska Afrika iyo sidii mashruucaan dariiqyada loogu furo wadamada Geeska afrika.

Shirkaan ayaa waxaa maalgelnaya Bangiga Adduunka ,Midowga Yurub iyo Bangiga horumarinta Afrika,waxaana shirka lagu go’aamiyey in la dhiso wado kasoo bilaabata Magaalada Asmara soona marta Itoobiya iyo Soomaaliya si ay u gasho dalka Kenya.

U jeedada wadaaan loo dhisayo ayaa mas’uuliyiinta Shirka ka qeyb-galeysa waxaa ay ku sheegeen inay tahay sidii la isugu furi lahaa Hanaanka Ganacsi iyo midka Dhaqaale ee dalalka Afrika,isla markaana qorshuhu uu yahay sidii loo heli lahaa hanaan kala faa’iideysi oo ay yeeshaan wadamadaas.

Wasiirka Wasaaradda Maliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxaya muhiimada kulanka iyo qodobada laga hadli doono inta uu kulanka socdo.


About Author