Post View....

DEG DEG: Gaari ciidan oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

0
64

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya lagula eegtay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah, xilli uu marayey deegaanka Siinka-Dheer, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Gaariga la qarxiyey ayaa gabi ahaan burburay, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askartii la socotay baabuurkaasi, inkasta oo weli aan la hayn tirada rasmiga ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay jiraan khasaare kale oo soo gaaray dad rayid ah oo ku socdaalayey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa Siinka-Dheer, balse ma jirto weli wax faah faahin dheeraad ah oo qaraxaasi ay ka bixiyeen saraakiisha ciidanka ammaanka.

Wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa inta badan weeraro qaraxyo ah ka fuliya dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, iyaga oo beegsada ciidamada dowladda federaalka, kuwa Midowga Africa ee AMISOM iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee isticmaala jidkaasi.

About Author