Post View....

Codsi hubin: Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya=Faallo=

0
62

Ku: Madaxweynaha Mareykanka .Mr. Donald Trump.

Ku : Aqalka Senetka.

Ku: Xoghayaha Arrimaha Dibadda .

Ref. 00 /yam/yam. BBL/Som/8/2/2020

U jeedo: Hubin.

Xafiisyada ay Warqadani tooska ugu socoto waxaan ka Codsaneynaa, inay noo cadeeyaan Arrimaha la xiriiro Shakhsi aan ka shakinay.

Waxaan ka shakinay, Nin noo yimid oo Nagu yiri: waxaan ahay Safiirkii Mareykanku idiin soo diray. Waxana la i yiraa: Amb. Donald Yukio Yamamoto., laakin Somalidu ey u taqaan , Gaaboow Weershe Gareen iyo Ambassador: Coronavirus.

Waxa shakiga keenay.

1-Muuqaalkiisu uma eko Mareykankii aan naqiin ee Dhererka iyo Qawida lahaa.

2- Midabkiisu uma eko madabkii aan idinku naqiin ee Madowga iyo Cadaanka.

3-Magaciisa iyo Muuqaalkiisu isuma eko, waxaa la yiraa,Donald ,kaasu ma ahan magac indha yar ee ma Madaxweynihiina Donald Trump ayaa lagu samiyay. Wanaa Nin Muuqaalo kala duwan leh. Mar Bidaar leh marna Baar leh, Mar Duq ah marna doob ah ( F.S:1-7aad)

4- Waxa uu leeyahay waxaan dhashay 1953 waxaana ku dhashay Seattle, Washington, United States. , da’diisuna uma eko 67 jir. waxaan is niri amuu soo nooladay Janaraalkii ciidanka Badda ee Jabaanka , Admiral. Isoroku Yamamoto, laakin Admiralku waxa uu dhintay 18 April 1943, kuma dhalan Mareykan ee waxa uu ku dhashay Magaalada Nagaoka ee Dalka Japan 4 April 1884. Labada Yamamoto kuu yahay ?. ( F.S: 8aad)

5- Intaas waxaa ka daran. Dhaqqankii aan Mareykanka ku naqiin male, warkii uu Arbaco kuu sheego khamiis isla isagaa beeninaa.

6-Demoqaraadiyadii Ameerikaanku noo sheegi jiray, waxa uu na tusay in ey been aheyd.

7-Xuriyada Arragtida iyo Doorashada Shacabka ayuu neceb yahay.

8-Dadkii ayuu Sawir kale oo Siyaasadeed ka siiyay Mareeykankii aan horeba Siyaasadiisa ugu wareersaneyn.

9-waxa uu ku dhawyahay in uu na yiraa, Ninkii Somaliya ee guursada Xaas, Guurku ma ansaxayo ilaa aan Annigu aqoonsado.

10-Cudur Siyaasadeed oo la mid ah Coronavirus- kii Shiinaha oo deg deg u fido ayuu ku riday Siyaasadii iyo Arrimihii Bulsho iyo Dhaqan ee Somalida.

Tan kale.

Magaca Hooyadii waa kari waayay, waxaan u maleeynaa in, Jey key Jaan uu Adeerkii yahay.

Waxaan idinka Codsaneynaa in aad Ninkaan naga hubisiin in uu yahay Safiir aad soo dirsateen ama Nin kale oo is magacaabay oo maasgaro soo gashaday, waan ku wareernay. Qabiilkiisa noo sheega si aan ugula xeer tanu wixii uu naga haleeyo.

Waxaan idinka sugnaaba waa Cadeeyn sugan, Dhuqa ma Adinkaa soo diray, mise meel kale ayuu ka socdaa aan iska celenee, kan caruurtaa lagdi karto, Siyaasaduna meesha ma taal.

Qore: Yahya Amir