Post View....

Ciidamo uu hoggaaminayo Wasiir Janan oo dhaq dhaqaaq ciidan ka wado duleedka Baladxaawo & Xisaad halkaasi kajirta

0
71

Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo halkaasi kawado dhaq dhaqaaqyo ciidanka sidoo kale halkaasi waxaa ka jirta  Xiisad dagaal oo u dhaxeyso ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo daraawiishta Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidamo hubeysan oo uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan duleedka degmada Baladxaawo halkaas oo shalay ay gaareen.

Sidoo kale, ciidamda Dowladda Federaalka ay geysay degmada Baladxaawo ayaa dhankooda lagu soo waramayaa iney wadaan qorshe ay isaga difaacayaan haddii weerar kaga yimaado ciidanka Jubbaland ee duleedka degmadaas ku sugan.

Ciidamada C/rashiid Janan uu hoggaaminayo ayaa ku sugan duleedka degmada Balad-xaawo gaar ahaan dhanka Xuduuda Kenya.

Arrintan ayaa imaneysa malamo un kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamadeeda ay qabsadeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, taasi oo dhalisay in Jubaland ay shaaciso in dagaal lagu soo qaaday.

 

About Author