Post View....

Ciidamada ammaanka Puntland oo xiray Dad ay ku tuhmayaan Al-Shabaab iyo Daacish.

0
72

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland howlgal kusoo qab-qabteen dhalinyaro ay la xiriirinayaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada ammaanka waxa ay xireen waddooyinka gala xaafadaha ay ka howlgalayeen, waxayna goob isugu geeyeen dad u badan dhalinyaro oo qaarkood ay dib u daayay kadib baaris kooban oo ay mariyeen.

Isbadal dhanka amniga ah ayaa ka jira Magaalada Boosaaso, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu ciidamada ammaanka faray in ay qaataan mas’uuliyadda xasiloonada Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa dadka ay kusoo qab-qabtaan howlgalka waxa ay geeyaan xarumahooda, iyaga oo baaris xira shaqsiyaadka ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin ama xiriir la leeyihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowlad Goboleedka Puntland waxa ay ciidamo dheeraad ah geysay Magaalada Boosaaso oo 11-ka bishaan la qorsheynayo in lagu fuliyo xukunka lagu riday Raggii kufsiga iyo dilka u geystay Caaisho Ilyaas Aadan.

 

About Author