Dawlada Soomaaliya waxay dhawaan magacowday Gudi ka shaqeenaya Hab maamuuska loo sameenayo Maalmaha Xoriyada.
Dhaliil badan ayey la kulantay Xukuumada oo xitaa lagu sheegay in Shaqo la’aan heyso Dawlada ay taas ugu wacan tahay.
Gudiga Munaasabadaha 26 Juun iyo 1 July ka shaqeenaya ayaa kusoo aaday Lix Bil ka hor iyadoo aan la ogeyn 180 Cisho ay gudigaas ka shaqeyn doonaan.
Inkastoo Wasiir Maareeye gudoomiyaha Gudigaan uu ku dooday in Madaxda ay leeyihiin Go’aanka Magacaabista balse ay si ka duwan sidii hore Maalmaha Xoriyada Sanadkaan loo qaban doono.
Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inay Dawladu meesha ay Gudigaas ka magacowda looga fadhiyey Gudi Amniga ka shaqeeya.
Waxa uu sheegay in waxyaabo badan ay ku fashilantay Dawlada Madaxweyne Farmaajo Hogaamiyo oo Nabad gelyada Koow ka tahay sida uu yiri.