Post View....

XOG: Madal ay ku kulansanaa hogaamiyeyaal Al-Shabaab oo la duqeeyay

0
102

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday koonfurta Soomaaliya.

Weerarka dhanka cirka ah ayaa laga soo wariyey duleedka magaaladda Kismaayo, oo ah xarunta Jubbaland.

Illo wareedyo ayaa tilmaamay in howlgalka lagu beegsaday madal ay shir ku lahaayeen hogaamiyeyaal Al-Shabaab.

Saraakiisha maamulka Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in sidoo kale duqeynta lagu dilay dagaalameyaal tirro badan.

Sikastaba ha ahaatee, muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa gobolada Soomaaliya ka dhacayey duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah Al-Shabaab.

About Author