Post View....

Xildhibaanada Aqalka Sare oosi buuxda u ansixiyay Sharciga Batroolka

0
88

Kulankii 25-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Aqalka Sare BFS ayaa waxaa shir guddominaayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

Qeybta dambe ee kulanka ayaa looga hadlay soo jeedin ka timid qaar ka mid ah xildhibaanada aqalka sare oo ku aaddaneyd in la ansixiyo Hindise sharciyeedka oo horay ay u soo ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya, iyada oo ugu dambeyn Golaha Aqalka Sare ay meel-mariyeen.

Dhanka kale Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay inuu Hindise-sharciyeedka Batroolka sidaa ansax ku yahay.

About Author