War qoraal ah oo baxay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxaa warqad cabasho ah loo gudbiyay xubnaha Beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in wakaalashada uu kala noqday dowladda soomaaliya, isagoo sheegay in dhibaato ay ka wado dowladda deegaanada Galmudug.
Qoraalka ka soo baxay Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay inuu Madaxweynuhu magacaabay gudiga farsamada ee doorashada Galmudug. Isla markaana ay Dowladdu qalqal siyaasadeed ka wado Galmudug.
Qoraalka oo ahaa luuqada English-ka ayaa waxaa uu xaaf sheegay in qaar ka mid ah senatorada, xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Galmudug ay fara gelin xoogan ku hayaan maamulka.
Qoraalka Hoos ka Aqriso: