Post View....

Saddex Carruur ah oo ku dhimatay Baraag ku taalla Miyiga Shilaabo

0
71

Shilaabo:Itoobiya- Saddex Carruur ah oo ay Laba ka mid ah Walaalo ahaayeen ayaa Shalayto ku dhimatay Baraag ay Biyo ku jiraan oo ku taalla degaanka Laasa-Caanood oo ka tirsan Degmada Shilaabo ee Dhulka Soomaalida Itoobiya.

Ilamahan oo dhammaantood Wiilal ahaa ayaa lagu kala Magacaabi jiray, Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7 Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi Diini oo 6 Jir ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4 jir ahaa.

Carruurtan oo kasoo jeeda Qoys reer Miyi ah ayaa la sheegay in ay la joogeen Nirgo Geela laga reebay xilligii ay Baraagta ku dhacayeen.

About Author