Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Dhuusamareeb kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka kasoo jeeda Ceeldheer,waxaana ay ka wada hadleen dardargelinta dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Hoyga uu ka deganyahay Dhuusamareeb kulan kula yeeshay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Kheyre ayaa labada dhinaca kala hadlay sidii ay doorwyen ugu yeelan lahaayeen dhismaha galmudug loo dhan yahay,isla markaana loogu dhawaaqi lahaa Xildhibaannada Cusub ee Galmudug.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay Galmudug,isaga oo uga mahad celiyay dadaalka Ballaaran oo ay u galeen dib-u-dhiska Galmudug.