Dowladda federaalka ay fulisay mid ka mid ah dhibaatooyin sababay inuu cuntada ka soomo Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), taasi oo meesha ka baxday kaddib markii laga raray hoygii uu ku xirnaa oo aad ugu dhow madaxtooyada Villa Somalia.
Sheekha ayaa saakay ka laabtay go’aankiisii uu cuntada uga soomay kaddib markii la dejiyay guri ku yaala agagaarka xarunta nabad sugidda ee loo yaqaan Habar Khadiijo oo ku yaala degmada Shibis, iyadoona arrintaasi ay ka qeyb qaateen xildhibaano iyo madax ka tirsan Dowladda dhexe ee federaalka ah.
Wararku waxay intaasi raacinayaan inay socdaan dadaallo isku xiran min magaalada Baydhaba ilaa Muqdisho oo lagu sii deynayo, iyadoona arrintaasi horseed ka yihiin Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo guddoomiyaha golaha Baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ay isku heyb yihiin Abuu Mansuur.
Guddoomiye Mursal oo ku baaqay in la siidaayo Roobow, dibna loo dhigo doorashada KGS
Caqabadaha wadaadkan isku bedelay siyaasiga ka cabanayay ee sababay inuu cuntada ka soomo muddo hal toddobaad ah ayaa waxaa ka mid ahaa in hoygii laga bedelay aanu wanaagsaneyn ammaankiisa lehna laba waddo oo si toos ah u mara xeyndaabka xarunta madaxtooyada, taasi oo inta badan dhacda xaafadaasi in waxyeello ka soo gaarto madaafiicda Al-Shabaab xilliyada qaarkood ay halkaasi ku weeraraan.
Dhinaca kale Sheekh Muqtaar Roobow oo muddo hal sano ka badan u xiran dowladda federaalka, kaddib markii ciidamada Itoobiya ee AMISOM qeybta ka ah ka qabteen gudaha xarunta looga arrimo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhaba.
Dadka dhaliila qaabka dowladda Villa Somalia ula dhaqmeyso Sheekh Muqtaar xilli uu heshiis la galay Dowladda kaddib markii uu isaga baxay ururka Al-Shabaab oo uu ka ahaa Ku xigeenka hoggaamiyaha ugu sareeya xarakada, iyadoo ilaa iyo iminka aan si rasmi ah loo shaacin sababta uu ku xiran yahay isla markaana aan wax maxkamad ah la soo taagin.
Shabakadda Maanta Online
Muqdisho – Soomaaliya
E-mail: [email protected]