Post View....

Maxaa ka jira in NISA burburisay Shabakadii Al-Shabaab u qaabilsaneyd Qaraxyada?.

0
55

Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay burburisay shabakad Ururka Al-shabaab u qaabilsaneyd Qaraxyada.

Qoraal ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ku bur buriyeen kooxo isku xiran oo u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Farsameyntooda, balse ma aysan sheegin hay’addu tirada dadka ay howlgalkan ku qabteen.

Qoraalka ka soo baxay NISA lagu sheegin goobta iyo haka kooxahan laga soo qabtay, laakiin waxaa bogga ay Twitterka ku leeyihiin ka soo muuqday oo kaliya sawirrada hub ka koobnaa walxaha qarxa.

Dhanka kale Hey’adda NISA ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale u shaacisan in ay gacanta ku dhigtay Shabakaddo ka tirsan Ururka Al-shabaab laakiin intooda aan warbaahinta loo soo bandhigin.

About Author