Inkastoo dowladda Mareykanku ay muddo dheer dagaal kula jirtay kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, haddana wali waxay kooxdu u muuqataa mid sameyn karta dhaqdhaqaaqyo saameyn leh.
Tan iyo markii uu maamulka Aqalka Cad la wareegay madaxweyne Donald Trump, waxaa sare loo sii qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay milatariga Mareykanka ka fuliyaan meelo ka tirsan Soomaaliya.
Laakiin waxaa su’aal la galinayaa in qorshaha Mareykanka ee ku aaddan Al-Shabaab uu yahay mid si rasmi ah looga takhalusi karo ururkan gacan-saarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.
Andrew Franklin, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga ayaa wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ku sheegay inuusan aaminsaneyn in Washington ay qorshe u heysato sidii ay uga adkaan lahayd Al-Shabaab.
“Dowladda Mareykanku qorshe cad uma heyso sidii ay ku burburin lahayd Al-Shabaab. Qodobka kaliya ee ay Washington heysato waa inay leedahay waxaan joognaa gobolka, waxaana tababarro iyo caawinaad u fidinnaa ciidamada Soomaaliya, laakiin taasi waa arrin u taalla Soomaalida oo looga baahan yahay inay iyaga xallistaan. Sheekadan waxay la mid tahay waxyaabaha aan ka maqalno Afghanistan, halkaasoo aan isku dayeyno inaan lugaha kala baxno 18 sano ka dib, sidoo kalena waxay la mid tahay sheekada Ciraaq, oo iyadana faraha ka baxday sanadihii lasoo dhaafay. Marka aniga uma maleynayo in Mareykanku uu leeyahay istiraatiijiyad la isku halleyn karo oo al-shabaab soo afjareysa”, ayuu yiri Mr Franklin.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in howsha ay xukuumadda madaxweyne Trump ka waddo Soomaaliya aysan ahayn mid ciribtiris ah.
- Mareykanka oo sheegay in duqeymo uu ku laayay Al-Shabaab
- Mareykanka oo shaaciyay tirada dadkii kaga waxyeelloobay weerarkii saldhigga milatariga
“Mareykanku runtii dhaqdhaqaaqa uu ka wado Soomaaliya ma aha mid dabargoyn ah, waa la dagaallanka argagixsada, ujeeddada ugu weyn ee howlgallada Mareykankana, sida aan wada ognahay, waa in uu difaaco dalkiisa hooyo, kaasina waa dalkeyga, ma aha dalkaaga”, ayuu yiri.
Dhanka kale, Andrew Franklin wuxuu sheegay in Soomaaliya uu ka jiro jahwareer badan, kaasoo uu ku tilmaamay in ciidamada dowladda Federaalka ay tababarro kala duwan ka helaan waddamo badan oo aan isku xirfad ahayn.
“Mareykanka ayaa tababar siinaya ciidamada khaaska ah ee Soomaaliya, waxaana ognahay in Soomaaliya ay lahayd ciidamo aad u awood badan oo ka tilmaannaa guud ahaan Afrika. Waagii ay jirtay dowladdii Siyaad Barre, Soomaaliya waxay lahayd mid ka mid ah milatariga ugu wanaagsan”, ayuu yiri.
Mareykanka oo xoojiyay duqeymaha Soomaaliya
Sanadkii 2007-dii ayey duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya billowdeen, tan iyo xilligaasna waxaa ka dhacay khasaare aad u badan.
US airstrikes in Somalia
Bishii Maarso ee sannadii 2017-kii ayey waaxda gaashaan dhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ka heshay Aqalka Cad ansixin ku aaddan in la sii ballaariyo dagaalka ka dhanka ah kooxda xag jirka ah ee ku sugan waddanka ku yaalla geeska Afrika.
Taliyeyaasha ayaan hadda u baahneyn iney fasax u raadsadaan duqeymaha waaweyn ee lala beegsado deegaannada ka tirsan gudaha Soomaaliya ee lagu tuhmo iney dagaallameyaasha Al-shabaab ku sugan yihiin ama dhaqdhaqaaqyo ka sameynayaan.
Hase yeeshee Al-Shabaab wali waxay gacanta ku heysaa deegaanno ka tirsan Soomaaliya, oo miyiga xiga, waxayna xubnaheeda weerarro ka fuliyaan magaalooyinka ay ka mid tahay caasimadda Muqdisho.
Shacab aad u badan ayaa ku dhintay weerarrada u badan qaraxyada ee ay Al-Shabaab ka fulisay meelo ka tirsan Soomaaliya.
Al-Shabab conflict in Somalia
The number of fatalities per year
In 2017, over 500 people were killed in one terror attack. The figures for 2019 are the latest available data, and the set includes combatants and civilian casualties.
Dagaallameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa Aaxaddii weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya isticmaalaan oo ku yaalla deegaanka Lamu ee gobolka Xeebta.
Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah.
Weerarkan wuxuu daba socday qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 79 ruux oo 28-kii bishii December ay Al-Shabaab ka fulisay isgoyska Ex-koontarool ee magaalada Muqdisho.
Dhaqdhaqaaqyada ay Al-Shabaab ka waddo Kenya
Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda gudaha u galeen Soomaaliya, sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab, kooxdan waxay weerarro khasaare badan dhaliyay ka fulisay gudaha Kenya.
Bishii January ee sanadkii lasoo dhaafay, 21 ruux ayaa ku dhintay weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyeen DusitD2 ee magaalada Nairobi.
Weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ay kooxdu ka geysato Kenya wuxuu dhacay bishii April ee sanadkii 2015-kii, markaasoo ay jaamacadda Gaarisa ku dishay 148 ruux, oo u badnaa arday.
Bilishii ugu dambeeyay, Al-Shabaab waxay sidoo kale bartilmaameedsaneysay gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno basaska, gaar ahaan kuwa ka howl gala gobolka Waqooyi bari ee xadka la wadaaga Soomaaliya.
Kenya waxay ku jirtay heegan sare oo amniga lagu sugayay munaasabadaha ciidda masiixiyiinta iyo sannadka cusub, ka dib markii macluumaad ay sirdoonku heleen ay sheegeen in Al-Shabaab ay fulin karto weerarro horleh.
Xigasho:BBCSomali