Sida ay Xogo Hoose inoo sheegeen Xafiiska Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku dayaya sidii loo hor istaagi lahaa Ra’iisal Wasaare Kheyre.
Qorshaha ayaa ah in Siyaasiyiin Kasoo jeeda Beesha Murusade iyo Waxgarad laga dhaadhicinayo inay Kheyre usheegaan in Farmaajo caqabad ku noqon doorashada 2021-ka.
Saraakiil ka ag dhaw Xafiiska Madaxweynaha waxay si hoose usheegeen in wada hadalo ay jiraan oo Kheyre laga dalbanayo inuu ka tanaasulo hankiisa Madaxweynaha.
Qaar ka mid ah Taageerayaasha Ra’iisal Wasaaraha ee isku diyaarinaya 2021-ka waxay diideen inay Arintaas dhacdo.
Waxa ugu weyn Ee Wasiirka koobaad hadda ujoogo dhuuso mareeb ayaa ah sidii Yoolkiisa Madaxweynaha uu ugu guuleysan lahaa,xod xodashana ka wada Beelaha Deegaanadaasi.
Bishii Maarso 2017-kii Ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu Xasan Cali Kheyre umagacaabay inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya,ka hor Magaciisa Saaxada Siyaasada laguma aqoon.
Hadda waxaa ka xawaaro badiyey madaxweyne Farmaajo dhinaca Siyaasada gudaha iyo mida Caalamiga ah Ra’iisal Wasaare Kheyre oo gal galkiisa uu aad ubadan yahay.
Lama oga go’aanka uu ka qaadan doono dabinka Kheyre lala rabo ee ah in lagu hor istaago Doorashada 2021-ka Ee Madaxweynaha uu doonayo.