Post View....

Diyaarado Dagaal oo xalay Duqeymo ka gaystay Deegaano Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

0
103

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxay duqeymo ka fuliyeen xarumo ay Ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo Ku yaala gobolada Jubbooyinka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya kuwaas oo duqeymo ka fulinaya deegaanada ka tirsan Jubbooyinka.

Duqeymaha ayaa waxay ka kala dhaceen degmooyinka Jilib, Jamaame iyo deegaanka Caga Libaax oo dhamaantooda ka tirsan gobalada Jubbooyinka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Degmooyinka Jilib, Jamaame iyo Cagalibaax, halka 4 xubnoodna nolashada lagu qabtay

Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helay duqeymaha ka dhacay degmooyinka Jilib, Jamaame iyo deegaanka caga libaax

Mudooyinkii dambe diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo ka fulinayeen saldhigyada Al-shabaab ay Ku Lee yihiin gobolada Jubbooyinka

About Author