Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta ee gobolka Hiiraan.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi, islamarkaana qaatay saacado badan ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ugu horreyn waxaa shirka warbixin looga dhageystay taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo marka hore ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda iyo sidoo kale howlgallada ka socda gobolkaasi.
Taliyaha ayaa sheegay in ay diyaar garow xoogan ugu jiraan howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada maamulka HirShabelle.
Dhankiisa Madaxweyne Waare oo kulanka ka hadlay ayaa ku booriyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay yeeshaan wada shaqeyn dhab ah, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.
Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah meeladaha ay sida aadka ugu xoogan tahay Al-Shababaab oo inta badan weeraro ka fuliso gobolladaasi.