
Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaanahanba waxa ay ku howlaneyd sidii Maamul cusub loogu sameyn lahaa Maamulka Goboleedka Galmudug, waxaana jira siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin dowlada uga digaya in ay farageliso doorashada la filayo inay ka dhacdo Galmudug.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa islamarkaana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dowlada uga digay inay faraha lagasho doorashada si ay u saarato Shaqsi ay dowlada dhexe wadato.
Waxa uu sheegay in isaga uu yahay Shaqsi uga aqoon badan dowladda soo dhisida Maamul, waxaana dowlada uu ka dalbaday inay tixgeliso rabitaanka Shacabka deegaannada Galmudug.
Si kastaba dad u badan siyaasiyiin ayaa aaminsan in sababta dowladda Federaalka ay xooga u saartay Arrimaha Galmudug ay tahay inay soo saarato Shaqsi taagersan dowladda si uu Madaxweyne ugu noqdo Galmudug si la mid ah Maamulka Koonfur Galbeed oo uu Madaxweyne ka yahay C/Casiis Xasan Maxamed (laftagareen)