Post View....

Puntland Oo Hambalyo Udirtay Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Jubbaland

0
130

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday madaxtooyada Maamulka Goboleedka Puntland  ayaa hambalyo loogu diray  Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Qoraalka ayaa lagu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ku hadlaya magaca golayaasha maamulka Puntland iyo dhamaan shacabka waxa uu hambalyo u dirayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee Jubbaland.

Dhinaca kana qoraalka ayaa baaq loogu diray madaxweynaha Jubbaland kaas oo ahaa in uu dhameeyo khilaafka gudaha isdoo kalana dowladda dhexe ayaa loogu baaqay in ay dhamayso wixii khilaaf ah ee kala dhaxeeya Jubbaland.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka

About Author