Post View....

Francisco Madeira “Waxay AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Soomaaliya xoojin doonaan Hawlgalladda Millietri ee..”

0
137

Wakiilka Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM,  Ambassador Francisco Madeira waxa uu sheegay inay AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Somalia xoojin doonaan Hawlgalladda Millietri ee Wadajirka ee ay ku doonayaan inay la wareegaan Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ambassador Francisco Madeira waxa uu ku muujiyey in loo baahan yahay Ciiddan Tababaran oo awood u leh inay gacanta ku hayaan Deegaanadda ay AMISOM kala wareegaan Alshabaab.

Waxa uu kaloo ka hadlay Xiriirka xooggan ee u dhexeeya AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Somalia, isagoo xusay inay dib u soo celin doonaan Nabadda iyo Ammaanka Somalia.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM,  Ambassador Francisco Madeira waxa uu ku bogaadiyey DFS muhiimadda ay siiyeen Jiilka Cusub ee Ciiddamadda, kuwaasi oo uu tilmaamay inay yihiin kuwa weli gacanta ku haya afar Degmo oo lagala wareegay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ambassador Francisco Madeira waxa uu tilmaamay inay qaadi doonaan Hawlgalo Milliteri oo Wadajir, badbaadinta Xarumaha bulshadda, nadiifinta Waddooyinka muhiimka ee ay sahayda maraan, kuwaasi oo qeyb muhiim ka ah dhamaystirka Qorshaha Kala-guurka ee Somalia (STP) ee ay AMISOM mas’uuliyadda Ammaanka ku wareejin doonaan Ciiddanka Ammaanka Somalia.

About Author