Post View....

Ar waa Dulmigaas!!!.

0
150

Sow ma nihin Labo Dowladood oo Xur ah oo Ku Kala nool Laba Qaaradood oo mid waliba u madaxbanaan tahay Arrimaheeda Gudaha, lehna Labo Callan oo Kala gooni ah (F.S: 1aad)

Ku lahaa, Afhayeenka Xafiiska Wasaaradda Arr. Dibadda ee Mareykanka Mr. Morgan Ortagus ayaa yiri: Doorashada Jubaland ha u dhacdo si Xur ah oo kalsooniyo Ka muuqato.

Mr.David Hale kaaliyaha xoghayaha Arr. Dibadda Mareykanka oo uu la socdo Muliqii yaraay Amb.Yamamoto, ayaa la kulmay RW Somalida kuna yiri: waa in la helaa Doorasho qof iyo Cod ah. ( F.S:2aad).

Haddaad Xoog leedahay Xero kasta lama galo Americaanoow.

Xoogaa naga xishooda, nooh, cashar kasta yaan naloo yeerin, Somali ayaan nahay.

Haddii ey Saan Ku sii socoto, Annaguna waxaan codsan doonaa in Goob joogayaal Caalamiya oo kormeero in loo diro Doorashada Madaxweynaha Mareykanka, iyo in ey goobjoog Ka ahaadaan Doorashada Mareykanka wafdi khubaro Somaaliyeed ah oo Marwo.Xaliima Yareey ey Soo magacaawday.

Haddii loo baahdana Ciidamo sugo nabadgaliya Goobaha Doorashada Mareykanka ayaan Dowlad Gobaleedka K/Galbeed idiinkaga Soo direynaa iyaga leh khibrad u gaar ah.

Adinkuba waad farsameysiin Dorashadiina, ee wax Naga barta.

Haddii aad tahay Somali Amar kasta lama qaato, tabar yariba ha iska jirtee, Americaanoow adinkuna xoogaa naga xishooda, hana karaama tirininee, Gob jabtay yaan godob xun laga galin, waxaan nahay Dowlad jirto ,Laakin.

Irid ALLA oodu ma saarno, wixii jiraa maanta siima jiri doonaan, lama quusto Somaaliyeey , Americaanba maalin ayuu dhaxdiisa Ka dagaalamayay “American Civil war” waad maqashay, mar ayuu ahaa Waddan la gumeeysto. Looxul maxfuudka waxa Somali ugu qoran ma taqaanid ee ha quusan.

In kaatoo sabuul ahay……

Qore: Yahya Amir.