Ciidanka Nabad-sugidda ee maamulka Jubbaland ayaa saakay soo bandhigay laba nin oo dhalinyara ah oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen Al-shabaab iyo hubkii ay wateen.
Shakhsiyaadkaa oo lagu soo bandhigay xarun ay leeyihiin ciidanka Nabad sugidda ee maamulka Jubbaland ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Casiis Maxamed Nuur oo Al-shabaab looga dhex garanayay Iidle iyo Geeddi Maxamed Cali oo isku dhiibay ciidamada amaanka eek u sugan degmada Af-madow ee gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada maanka ee Jubbaland ayaa sheegay in labadaan nine ee dhalinyarada ah ay si yaabo kala duwan ay iskugu soo dhiibeen ciidamada maanka isla saakay isla markaana baaritaan lagu sameyn doono madaama ay muddo dheer ay ka mid ahaayeen Al-shabaab.