Post View....

Xukunka Deg-Dega Ee Saaran Dalka Masar Oo La Kordhiyay

0
108
Madaxweyne C/fataax Al-sisi waxa uu qalinka ku duugay Wareegto uu muddo 3 bilood ku kordhinayo Xukunka Degdegga ee lagu soo rogay dalkaasi 2 sanno ka hor. Wareegtadda waxaa lagu sheegaay inay Ciiddanka Milliteriga iyo Boliska qaadi karaan tallaabo kasta oo lagula dagaalamayo Kooxaha loogu yeero Argagixisada iyo inay badbaadiyaan Nafta iyo Hantida Muwaadiniinta Masar. Go’aanka Madaxweyne C/fataax Al-sisi waxaa taageeray Xildhibaanadda Barlamaanka, waxaana fulinta Xukunka Degdegga xoog lagu dhaqan geli doonaa laga bilaabo maalinta Khamiista ee soo socota. Xukunka Degdegga ee saaran dalkaasi waxaa la so orogay bishii April ee sannadkii 2017-kii, kadib, markii ay in ka badan 100 qof ku geeriyoodeen qaraaxyo lala beegsaday Kaniisado ku yaalla magaallooyinka Aleskandariya iyo Tanta ee dalkaasi.

About Author