Post View....

Xoghayaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirweynaha Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka+Sawirro

0
122

Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta  Mudane Nur Maye Osman ayaa magaalada Gothenburg ee dalka  Sweden kaga qeyb galay shirweynaha Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka oo labadii sanaba mar la qabto.

Shirkan oo socday inti udhaxeysay 2 -5 July 2019 waxaa kasoo qeyb galay 154 dal oo   caalamka, waxaana looga hadlay waxyaabihii  u qabsoomay  heer qaarad iyo heer caalami labadii sano ee lasoo dhaafay  iyo  qorshaha ballaarinta ciyaarta kubadda Gacanta, waxaana shirka daah furay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka Dr Hassan Moustafa

Xoghayaha Xiriirka Nur Maye ayaa kulamo gaar ah la qaatay  Madaxda Xiriirada  Wadamada  Sacuudiga, kan Afrika iyo Jabuuti waxayna isla soo qaadeen in la badiyo xiriirka isgaarsiineed iyo mid maamul, waxay kaloo sacuudiga    Soomaaliya  u ballan qaaday uu dhanka tababarada ka taageero, sidoo

Waxay dalka madaxda dalka  Jabuuti isla garteen in labadada waddan abaabulaan  cayaaro saaxiibtinimo, laguna qabto labada waddan. Halka  guddoomiyaha xiriirka kubadda Gacanta qaaradda Afrika uu Soomaaliya ku ammaanay doorka Soomaaliya kaga jirto horumarinta Kubadda Gacanta waxuuna ku booriyay inay  aan noqdaan wadanka ugu firfircoon Geeska Afrika si ay uga faa’iideystaan Fursadaha Afrika iyo caalamka ugu talogaleen.

Inta uu shirka Socday waxaa  Kubadda Gacanta qaaradda Afrika loo aqoonsaday qaaradda  ugu horumarka wanaagsan ciyaarta kubadda Gacanta, waxaana Soomaaliya  ay ku jirtaa Wadamada Horumarka ka sameynayay labadii sano ee lasoo dhaafay kadib markii ay  kaalinta  afaraad ka gashay Ciyaaraha da’da kayar 18 ee  bariga iyo Bartamaha Afrika iyo  Xulka da’da ka yar 20-ka sano oo kaalinta 5-ad ka galay ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay 11 dla ka qeybgaleen kaasoo 2018 ka dhacay dalka Yugaandha.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: [email protected]

About Author