Post View....

Wasiiro ka tirsan DF iyo maamulka Puntland oo shir muhiim ah ku yeeshay Garowe

0
123

Magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland waxaa ka socda shir muhiim ah oo ay leeyihiin wasiirada Wasaaradaha Shaqada Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkaan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa looga hadlay mashruuc shaqo loogu abuurayo dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo soo socday muddo saddex sano ah isla markaana wejiga labaad uu ka dhacay magaalada Garowe.

Arrimaha la iskula soo qaaday waxaa ka mid ahaa: guulaha laga gaaray mashruucaasi, howlaha dhiman iyo sidii loo dardar gelin lahaa sidii dhallinyarada Soomaaliyeed shaqo abuur loogu sameyn lahaa.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa ayaa madasha ka sheegay in ujeedada kulankoodu ay tahay sidii jiilka soo koraya ugu diyaarin lahaayeen inay mustaqbalka hoggaamiyaan.

“Aad iyo aad ayaad uga mahad celinayaa xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya Wasiiradeena iyo shirkaan oo ku saabsan in dhallinyarada loo sameeyo xirfado iyo qorshe muhiim u ah mustaqbalkooda” ayuu yiri Wasiir Sadiiq oo hoosta ka xariiqay in hay’adaha caawiya Soomaaliya ay doonayaan qorshey mideysan.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=JldihqtcvbE?start=10&feature=oembed&w=696&h=392]

About Author