Tababarka ayaa loo furay in kabadan 100 macallin oo loogu talagay in ay sii tababaraan macallimiinta iskuullada gobalka Banaadir .
“Maanta waxaan furay tababarka tababarayaasha macallimiinta Qaraanka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada dalka,Manhajka lagu tababarayo macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada soomaaliyeed, tayado waxbarashada waxa ay ka koobantahay sadax tiir,oo kala ah tiirka koobaad waa macallinka ,tiirka labaad waa manhajka, balse waa in lahelaa kormeer adag oo hubiya si loo ogaado in manhajkii iyo macallinkii ay si wanaagsan iskula taaba qaadeen, dugsikasta iyo hay’ad kasta waxaa qasab ku ah in Fasalka koobaad ilaa fasalka sideedaad in uu isticmaalo manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada..” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.