Post View....

Madaxweyne Mustafa ”Hadaan Itoobiyaan Nahay Maxaa Looga Hadli Waayay Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed?”

0
123

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Mohumed Omer ayaa maruu shalay khudbad kasoo jeediyay madashii bahirdar waxaa hadaladiisii kamid ahaa.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v3.3

Madaxwayne Mustafe oo Itoobiya Runta Usheegay!(Hadaan Itoobiyaan Nahay Maxaa Looga Hadli Waayay Xasuuqa Shacabka…

Posted by SDM on Monday, July 22, 2019

*Taariikhdu maaha wax tagay ee waa turjumaad laga bixiyo wixii tagay, hadii ay jirto aragti khaldan oo ah in qoomiyada axmaaradu dhamaanteed tahay mid Gumaysi oo islawayni leh, waxaa jirta mid taas lamida oo haysata shacabka soomaaliyeed waxaana tusaale u ah inay jirto aragti khaldan oo odhanaysa soomaalidu waxay deegaanka kuyimaadeen dool (geedi) iyagoo xoolahooda calaf uraadinaya, taasina waa arin aan sal iyo raad lahayn waayo kumanaan sano in dhulkani u ahaa dhul soomaaliyeed taariikhda soomaaliyeed ayay kucadahay, lkn waxaa jira dad sikale udhigay.

*Dagaalkii 60kii Ee Somalia iyo itoobiya sida loodhigo maaha mid katurjumaya taariikhda dhabta ah ee deegaanka soomaalida, caadiyan dagaalku wuxuu qayb ka,ahaa dagaaladii siyaasadeed ee kadanbeeyay dagaalkii labaad ee dunida, lana xidhiidhay arimaha isirka, jinsiyada iyo xuduudaha uu gumaysigu sameeyay, balse waxaa jirta in taariikhda itoobiya meesha ay kasaartay tabashadii dhabta ahayd ee shacabkanaga oo ahayd, inay shacabka soomaaliyeed waxbarasho, caafimaad iyo shaqaba udoonan jireen Somalia maadaama ay kawaayeen itoobiya, taasina waxay abuurtay in shacabkanagu aysan midnimada iyo jiritaanka itoobiya kalsooni badan oo wadaniyadeed siinin, waayo qofku markuu dareemo in lariixayo waa uu fogaadaa, arintani waxay kamid tahay taariikhaha khaldan ee ubaahan in loodhigo qaab dhinac walba katurjumaya.

Maanta majirto cid hadalhaysa dhibkii dadka soomaalida soogaadhay iyo sababta soomaalidu aysan daacad ugu noqonin jiritaanka itoobiya, waayo sida taariikhda loodhigay ayaa ah mid aan sax ahayn.

*In shacabka soomaaliyeed aysan kalsooni wadaniyadeed siinin itoobiya oo ay noqdaan kuwo kajecel soomaaliya maaha arin iska timid waa arin lagu qasbay waayo cadaadis iyo dhibaato mooyee maysan dheef kuqabin itoobiya, waana arin xaqiiqa ah, shacabkanagu way kusaxan yihiin inay qabaan aragtidaas.

*Marka laga soo gudbo dhibaatada xiligii boqortooyada iyo dergiga waxaa xusid mudan in 20kii sano ee lasoo dhaafay dhibaatada shacabka soomaaliyeed loogaystay aysan cidina soo hadal qaadin, tusaale ahaan 10kii sano ee lasoo dhaafay kaliya waxaa la xasuuqay 20kun oo dhalinyaro soomaaliyeed ah, waxaa lakufsaday dumar, mana jirto cid kahadashaa marka layimaado badhtamaha dalka, waana arintaas mida keentay in dadka soomaaliyeed nawaydiinaan hadii aan itoobiyaan nahay maxaa dhibkanaga looga hadli waayay?.

*Waxaa kale oo run ah oo ay shacabka soomaaliyeed marwalba nawaydiiyaan, hadii maanta 8 qof oo itoobiyaanka kale ah meel lagu xidho wadanka dhan ayaa looga qaylyaa balse anaga hadaan soomalai nahay markii nala xasuuqayay ee dumarkanaga lakufsanayay xagay kumaqnaayeen itoobiyaanka kale, maxaase looga danqay waayay sida looga danqanayo kuwa kale?

Su,aalahani maaha kuwo laab lakac ah waa kuwo dhab ah oo ay cadayn karaan dadka qoomiyadaha kale udhashay ee deegaanka soomaalida kunool.

*Sidaas daraadeed ayaan u,aaminsanahay inay jiraan arimo badan oo ubaahan inaan isla falanqayno una dhigno qaab katurjimaya dhinacwalba oo saamayn kuleh, waana midaas mida uu kahadlay Suldaanku, inaan arimahan kaheshiino wadan ahaan waxay keenaysaa inaan isu calool fayoobaano oo aan mustaqbalka wajahno waxayna meesha kasaaraysaa aragtimada cidhiidhyoon ee maangaabnimada ah ee qoomiyad dhan oo qof wanaagsan, qof xun, sheekh, danbiile iyo wadaniba leh halnooc loo eedeeyo.

Ugu danbayn waxaa muhiima inaan ogaano in cadaadiska iyo riixitaanku uuyahay midka asal ahaan hooyada u ah xagjirnimada iyo in qofku uu fogaado, mana ahan arin soomaali kaliya kukooban, xitaa taariikhda dunida qofka hadii diintiisa lagu cadaadiyo wuxuu moqdaa xagjir, marka waa inaan saxnaa aragtiyaha khaldan oo aan noqonaa kuwo isu soo dhawaada ayuu yidhi H.E MMC.

Fikirkaagu waa muhiim.

SDM
Abdirahman Ismail Editor in Chief

About Author