Post View....

Madaxweyne hal maalin la doorto villa somalia

0
118

Iyadoo ay jiraan xildhibaanno labada aqal ee dowladda Faderaalka siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan oo wali ku doodaya in doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Baydhabo ay tahay mid xalaal ah ayaa dhanka kale aaminsan inay jirto cadaalad darro lagu wado doorashada Kismaayo. Labadan Doorasho maxaa farqi ah oo u dhaxeeya.

Midda la yaabka ah, waxaa weeye in magaalada Baydhabo doorashadii shacabka reer Koonfur Galbeed ay xaqa u lahaayeen ay marooqsatay kooxda hogaanka Villa Somalia.

Hal maalin oo kaliya ayaa doorashadaasi ay ku qabsoontay lama yaqaan cidda wax soo xushay waxaana lagu baraarugay oo kaliya iyadoo la leeyahay madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, walloow uu jiray guuxa ah in kooxda Villa somalia ay Cabdicasiis u iibisay kursiga taasoo ceeb keentay.

Shacab ayaa lagu xasuuqay Baydhabo kuwaasoo diidanaa damaca kooxda Villa Somalia balse aakhirkii ka hirgalay magaaladaasi. Doorasho Booba.

Iminka waxaa isa soo taraya abaabul xooggan oo Xukuumadda Federaalka ay waddo kaasoo ku wajahan ku lug yeelasho doorashada Jubbaland dhowaan la filayo.

Villa Somalia, gaar ahaan wasaaraddeeda arrimaha gudaha waxaa ay soo saartay dhowr warqado oo ku saabsan doorashadaasi.

Tani waa tallaabo billoow u ah duulaan Villadu u qorsheeysay inay ku qabsato doorashada Kismaayo.

Sababta aan sidaas u dhahay waxaa weeye laba qodob:

1- Doorashadii Baydhabo ee kooxda Villa somalia ay dagaal iyo lacag kula wareegtay miyeey ahayd mid xalaal ah#

2- Odayaal dhaqan ay kooxda Villa somalia kaga hadashay warqadaheeda kuwii Baydhabo wax soo xulay yaa yaqaan, illeyn hal maalin iyadoo la leeyahay madaxweyne Lafta Gareen uun baa la arkaye

Waxaa nasiib xumo ah in ay taladii dalka la wareegeen koox macangag ah oo damacoodu yahay inay wax burburiyaan islamarkaana aan ogalayn dowladnimo hanaqaadda.

Maanta Koonfur Galbeed wax shaqa ah kama socdaan, waddooyinka magaalooyinka Isku xirayay sidii ayay u kala go’go’an yihiin waxaa dheer wax hay’ado dowliya oo ka jiro ma jiraan waxaana dadka ugu dambeeysay madaxweyne baa la doortay.

Doorashada Jubbaland haddaan u soo laabto, Villadu maxay u diidan tahay in dastuurka lagu dhaqmo?

Inkastoo aynaan muhiim ahayn, in madaxweyne Axmed Madoobe dib loo soo doorto haddana ogoow waa waajib in shacabka qofkii ay rabaan ay soo doortaan baarlamaanka qofkaasoo horumar, nabad iyo dib u heshiisiin u horseedaya gobolka Jubbaland.

Waxaa marag ma-doonto ah, in shacabka Jubbaland ay dowladdoodii Soomaaliyeed ka tirsanayaan tabashooyin badan, islamarkaana haddana ay qabaan walwalka ah in dowladdu u soo xeydxeydanayso inay ka dumiso maamulka yar oo ay heystaan.

Kooxda Villa Somalia oo maaro looga waayey duminta nidaamka federalismka dowladnimo ayaa isu diyaarineysa qaab ay dalka kula wareegto 2021-ka.

Qorshahaan waxaa diyaarinaysa kooxda waa wadayaasha ee Villa somalia Umaddani afduubka ku heysta waa mid ballaaran waxaadna ka garan kartaa burburinta iyo faragalinta dowlad goboleedka Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo iminka la doorbiday.

Shacabka Soomaaliyeed waa inay ku baraarugaan qowleysatadani ku talagashay in dhiigga dadkaan masaakiinta ah ay ka macaashaan, islamarkaana hal meel ay uga soo wada jeestaan.

Ugu dambeeyntii, haddii qoladaan Villa somalia ka madax adeegaan ku dhaqanka dastuurka KMG ah ee dalka u degsan waa in shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad ka sameeyaan kacdoon islamarkaana beesha caalamka dhadhansato dareenka rasmiga ah iyo xaqiiqada ah jirta.

Danjire Maxamed Caalim
Fallanqeynta siyaasadda Soomaaliya Helsinki, Finland

caalim68hotmail.com

About Author