Post View....

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan Gobolka Bakool

0
126

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen)  iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta waxaa ay  ku wajahan yihiin degmada  Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta-gareen  ayaa la filayaa in uu kulan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliyeyaasha laamaha amniga si loo dardar geliyo dhisida Golayaasha deegaanka oo dadaallo lagu dhisayo ay ka socdaan degmada Ceelbarde.

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowlada Federaalka  iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladaha Hoose ee maamulka Koofur galbeed ayaa ku howlan dhisida Golayaasha deegaanka, iyadoo wafdi kasocday oo hordhac u ahaa Madaxweynaha uu shalay gaaray degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Wararka haatan laga helayo degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta aad loo adkeeyay amniga Magalada,waxaana amniga xaqiijinaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

About Author