Post View....

Maamulka Soomaaliland oo xayiray Gaadiid fara badan oo ka yimid dalka Jabuuti

0
107

Wararka naga soo gaaraya Magalada Lowyacado oo ku taalla inta u dhaxeysa dalka Jabuuti iyo Maamulka Soomaaliland ayaa waxay sheegayaan in Gaadiid farabadan oo ka yimid dalka Jabuuti uu ku xayiran yahay halkaas.

Gaadiidkaan oo sida rakaab kala duwan ayaa la sheegay in sababta ay u xayiran yihiin ay qeyb ka tahay, kadib markii Maamulka Magalada Lowyacado ay kusoo rogeen inay darawalada Gaadiidka bixiyaan lacag taas oo gaareysa ilaa Saddex dollar.

Hayeeshee waxaa la sheegay in Darawalada ay taasi ka biyo diideen,isla markaana Gaadiid farabadan oo ku wajahnaa deegaanada Soomaaliland ay mudo saddex Cisho ah ku xayiran yihiin Magalada Lowyacado.

Mid ka mid ah Darawalada Gaadiidkaas oo la hadlay Warbaahinta ka howgasha deegaanada Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Magalada Lowyacado iyo taliska Booliska ay isku khilaafsan yihiin lacagta laga qaadayo gaadiidka.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan inay kulan gaar ah yeesheen Maamulka Magalada Lowyacado iyo Darawalada Gaadiidka kaas oo la filayo in Go’aano laga soo saaro si gaadiidkaas xayiran ay wadada u maraan.

About Author