Post View....

Iiraan oo Sheegtay in Markabka UK ay leedahay uu Shil la galay Doon Kallumeysi oo Iiraan laga leeyahay.

0
101

Madaxa Dekeddaha iyo Baddaha ee Gobalka Hormozgan oo lagu magacaabo Allahmuraad Afifibuur oo la hadlay Wakaalladda Wararka Fars News Agency wuxuu maanta sheegay in Markabka Booyadlaha ee Calanka UK watay ee lagu magacaabo Stena Impero uu shil la galay Dooni Kalluumeysi oo Iiraan leedahay, isla markaana ay Badmaaxiinta Markabka ogeysiis la’aan dirsadeen Qeylo-dhaan.

Waxa uu intaaasi ku daray in 23-ka shaqaalaha la socday Mrakabka Britain ay haatan ku sugan yihiin Dekedda Bandar Cabaas, isla markaana sii joogi doonaan ilaa laga dhamasytirayo Baaritaanka.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in Badmaaxiinta la socota Markabka ay qabteen kala yihiin 18 u dhalatay dalka Hinddiya, 5 ka soo kala jeeda dalalka Raashiya, Filibiin, Lithweeniya iyo kuwo kale.

Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan ayaa la sheegay inay Markabka UK ee lagu magacaabo Stena Impera xalay u gelbiyeen Markabka Britain Dekedda Bandar Cabaas, iyadoo baaritaanka shilka uu Markabka la galay Doonida Kalluumeysiga uu maanta bilaaban doono.

Dowladda Britain waxay mar sii horreysay sheegtay inay si degdeg ah u doonayaan Warbixinta Markabkooda, kaasi oo markii la qbaanayey ku sii jeeday Deked ku taalla dalka Sacuudiga.

Markabkaasi ayaa waxa uu si kedis ah u bedelay Jihadii uu ku socday, markii uu ka gudbay meesha laga galo Gacan biyoodka Gacanka Carbeed.

Horey ayaa waxa u cakirnaa Xiriirka Dowladda Iiraan iyo kuwa Reer Galbeedka, waxayna xiisadda sii kacday, markii ay Ciiddanka Badda ee Britain ay bishan July 4-dii gacanta ku dhigeen Markab Booyadle lagu magacaabo Grace 1 oo ay Iiraan leedahay, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu shixnad shidaal u waday dalka Syria.

Dowladaha Midowga Europe ee EU-da waxay sannaadkii 2011-kii cunaqabatayn ku soo rogeen Dowladda Syria oo ay ku eedeeyeen inay Tacadiyo u geystaan dadka rayidka ee ku nool dalkaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Britain waxay kula talisay inay dhamaan Maraakiibtooda ka fogaadaan Gacanka Hormuz si xilli Ku-meel-gaar ah.

Digniinta waxaa lagu sheegay inay jirto ciqaab adag, haddii aan xaalladda la xalin.

About Author