Post View....

Ciidamo ka tirsan Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda Col. Caarre oo dagaalamay.

0
130

Wararka aan ka heleyno Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu dagaal ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Karin oo ka tirsan Magaalada Ceerigaabo,isla markaana waxaa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda hogaamiyaha uu ka yahay Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre).

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid kadib markii Jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen fariisimo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan Ceerigaabo una guureen degaan Cusub oo uu ku yaallo halkaas.

Khasaaro kaal duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaas,waxaana la sheegay inuu ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Somaliland,kaasi oo la dhigay Isbitaalka guud ee Ceerigaabo.

Dhanka kale Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda hogaamiyaha uu ka yahay Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag,waxaana ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

About Author