Post View....

Afar Ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Libya.

0
106

Tpipoli:-Ugu yaraan Afar Qof ayaa ku geeriyootay 33 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, markii qarax lala beegsaday Laba Baabuur oo ka mid ahaa Gaadiid lagu waday meydka talihii hore ee Magaalada Benghazi, oo dhacda bariga Libya.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dalka Libya oo lagu magacaabo, Tarek el-Kharraz, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in Dadka uu qaraxu haleelay ay kala ahaayeen Laba Boliis ah iyo Laba Shacab ah, halka dhaawacuna ay sidoo kale isugu jiraan Askar iyo Rayid.

Dalka Libya ayaa waxaa ka jira kooxo Hubeysan oo kala feker ah, kuwaas oo unkamay markii talada Dalkaasi xoog looga qaaday Mucammar Al-Qadaafi, oo muddo ka badan 40 Sano soo xukumayay Dalkaasi.

About Author