Guddiga dib u heshiisiinta ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.
Ujeeddada socdaalka guddiga ayaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii ay u billaabi lahaayeen howlaha dib u heshiisiinta ee qaybaha bulshada Galmudug.
“Anaga oo dooneyna mas’uuliyadda ay xukuumadda noo magacaawday oo ah dib u heshiisiinta, waxaan diyaar u nahay inaan idinkala qeyb qaadano dhemeystirka shaqada aad wadeen, waana wada joognaa, inti tabarteena howlaha dib u heshiisiinta ayaan xoojineynaa.” ayuu yiri Maxamed Gacmo dheere oo ka tirsan xubnaha Guddiga.
Guddigaa waxaa ay deegaannada Galmudug gaareen xilli dhowaan la filayo in doorashada madaxweynaha inay halkaa ka dhacdo.