Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay mas’uuliyiin ka socday shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed ee sanadkaan ku guuleystay inay xujeyda qaadaan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in sanadkan 58 shirkadood ay u tartameen daabulida xujeyda Soomaaliyeed, balse ay ku guuleysteen 11 shirkadood oo Wasaaradu la shqeyn doonto.
Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay sanadkan ku sameysay wax ka beddel wax-yaabihii ay ka caban jireen dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah,isla markaana uu rajeynayo in lagu guuleysan doono.
Wasaaradda ayaa diyaar garowgii ugu dambeyey ugu jirta u adeegidda 11500 oo Xaaji sanadkan,waxayna balan qaaday in ay kormeeri doonta lana xisaabtami doonta Shirkadaha u adeega Xujeyda Soomaliyeed ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.